Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Adis-Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya uu ka furmo shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada urur goboleedka IGAD.
Shirkan ayaa waxaa goordhow iclaamiyay Madaxda Urur goboleedka IGAD,ahan ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn,waxana Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka iyo dagaalada ka socda Suudaanta Koonfureed iyo sidii looga gudbi lahaa,waxayna madaxda ka doodi doonaan wadadii loo mri lh joojinta dagaalada ka socda Magaalada jubba ee Suudaanta Koonfureed.
Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, kana mid aheyd dalalkii aas aasay ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirkaas, oo noqon doona kii u horeeyay.