Maamulka Galmudug ayaa bilaabaya qorshooyin la iskugu dhafayo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan deegaanada Mamaulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in kulankii Golaha Wasiirada Galmudug la isugu soo qaaday arinta la xiriirta qalabeynta Ciidamada iyo sidoo kale sidii ciidamada oo mid ah ay u qaadi la haayeen Isbaarooyinka weli yaalla deegano ka tirsan kuwa Galmudug.
Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimo ku aadan wadahadal lala yesho maamulka Galmudug oo uu sheegay in ay soo diyaarisay Wasaarada Dastuurka iyo arimaha Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka