Munaasabadda furitaanka  seminaarka , waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarad iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, madaxada xiriirada ,guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Macalimiinta Seminaarkan bixinaysan oo u dhashay dalalka Masar iyo Jordan.iyo garsoorayaasha kubadd cagta.
Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay kusimaha xoghayaha XSKC Cali Maxamed Axmed( Cali saciid) waxuuna sheegay in Seminaarkan uu  yahay kii shanaad oo ay Fifa u qabato Soomaaliya sedex kamid ah lagu qabtay jabuuti, dhanka kale waxaa la qaband oonaan seminaar muhiim ah oo dhanka Macalimiinta garsoorayaasha ayuu Cali Saciid raaciyay.
Guddooomiye Sharafeedka Gos Cabduqaadir Gacal Abkow oo isna  munaaasabadda ka hadlay ayaa  sheegay in kubadda cagta ay ka mid tahay xiririada ugu horeeyay dalka ka hana qaaday,  garsoorkuna  laf dhabar  yahay ciyaaraha dalka.
Macalinka seminaaraakan bixinayay Axmed Al shanawi  dalka Masar u dhashay oo isna ka hadlay munaasabada wuxuna garsoorayaasha somaaliyed ku amaanay hormarada ay sameynayaan
†Waa sanadkilabaad dalka Soomaaliya imaanayo waana  balan qaadkii aan samaayey sandkan  waxaa  i  wehliya  Xasan Mxamed Xasan uu dalka  jordan u dhashay waxaana  go’an ku gaarnay in aan caawino isboortiga Soomaaliya, iskana ilowaan dhibaatoyinka ka  jira† ayuu yiri Alshanawi.
Guddoomiye Ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino ayaa isna sheegay  in shanti  sano ee ugu dambeeyay uu xiriirka  qabanayeen korsooyinlagu horumanayo , garsoorayaasha iyo macalimiintooda, waxay qabteen dadaal xoogan dalka iyo dibada  iyadoo  ay maanta 4 garsoore dalka ka dhooftay si ay u soo dhex dhexadiyaan ciyaaro ka dhacaya dalka Tunisia,  waxuuna mahad celin u soo jeediyay Fifa oo garab istaagtay y soomaaliya sidoo Kale waxuu mahad celiyay Gos iyo Wasaaradda dhalinyarada oo  kaalintooda nala qabtay ayuu Guddoomiye ku xigeenka yiri.
Guddoomiyaha XSKC Cabdiqani Saciid Carab oo munaasabda ka hadlay aya ku dheeraaday muhiimada uu garsoorka u leeyahay isboortiga dalka waxuuna madaxdii kusugnaa madasha ka codsaday in Loo istaago faataxanda loo aqriyo  allaha u naxariistee Faarax Wehliye Cadoow Sendiko oo wax badan ku soo dhex jiray howshan garsoorka  xilal mhiim ahna ka soo qabtay garsoorka Afrika iyo Fifa islamarkaana Taariikh lama iloobaan ku leh isbortiga dalka gaar ahaan kubada cagta.
Guddoomiye Cabdiqani ayaa dhanka kale fariin u diray Fifa  si loo balaariyo hporumarinta kubada cagta oo aysan FIfa Ku koobnaan Garsoorka oo  kaliya ., waxuuna mahad celin u soo jeediyay Macalimiinta dalka u yimid  in ay horumaryaan garsoorayaasha kubadd cagta Soomaaliyeed, waxuuna garsoorayaasha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay layimaadan dadaal iyo karti si ay uga faa’iidaystaan macaliinta islamarkaan ay anshaxooda wanaajiyaan,
Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka dhalinyarda iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna ugu horayn uga mahd celiyay Fifa oo ogolaatay in dalka Soomaaliya loo soo diro macalimiin si ay u horumariyaan qaybta garsoorka waxaan rajeynaynaa in Fifa qaybaha kale muhiimka ah ay u soo diri doonto  Soomaliya, ayuu wasiirku yiri
Wasirka ayaa ku nuuxnuuxsday in wasaaraddana ay qaadan doono si uu isboortiga Soomaaliyeed u hormaro simaarkan oo lagu Magacaabo MA Course ( Member Asositions) ayay Fifa u qabataa dalalka Caalamka waana sanadkii labaad oo Soomaaliya lagu qabanayo waxaana sandkan ka qayb qaadanaya 24 garsoore taasoo muujinayso daalka horumarineed uu kutalaabsanayo isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubada cagta.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow