Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayey  qaar kamida Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magacaabay.
Munaasabada dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.Wasiiradda loo dhaariyey xilalka loo igmaday ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo DhaqankaCabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda MaaliyaddaCabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiiradda loo dhaariyey xilalkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay inay ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.