Saacadihii la soo dhaafay tuulooyin hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose waxa ku wada dagaalamay ciidamada Maamulka jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab kadib markii fariisin ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin duleedka Kismaayo ay soo weerareen Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanada kala ah Kara-uslo iyo walba sidoo kale deegaanka Cabdi Dhoore ee Goblka Jubbada Hoose waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida uu War-Baahinta u sheegay taliyaha Ciidamada Maamulka jubbaland Aadan Maxamed Ibraahim (Koojaar).
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in intii uu dagaalka socday ay Al-Shabaab ka dileen ilaa 4 dagaalyahan islamarkaana ay ka furteen Hub iyo Saanad kala duwan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in Ciidamada Jubbaland ay howlgalka siiwadi doonaan ilaa Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.
Hoos Ka Dhageyso Codka