Isutagga Ururada Shaqaalaha Geeska Afrik oo ay ku bahoobeen dalalka gobolka ayaa bayaan wadajir ah oo ka dhan ah Cumar Faaruuq waxa ay u gudbiyeen ITCU ururka shaqaalaha Adduunka . Waxa ay ku eedeyeen in magacooda uu meel kaga dhacay sumacadii gobolka iyo tii Ururada shaqaalaha gobolka Geeska Africa.
Waxa ay ku sheegeen in uu yahay nin meelaha iska soc socda oo aan cidna matalin waxana ay tusaale u soo qaateen shir uu dhawaan ku qabtay Kigali oo uu isugu keenay dad uu meelaha ka soo urursaday oo aan aheyn ururadii shaqaalaha Soomaaliyeed ee saxda ahaa.
Hadii sumcad xumida uu gobolka geeska Afrika u keenaya faaruuq ay wax ka qaban weyso ITCU waxa ay dalalkan ku hanjabeen in ay qaadici doonaan dhamaan howlaha gobolka iyo xiriiirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeysa ITCU Â arintaasna ay uga baahan yihiin jawaab deg degga ah.
Waxaa ku saxiixan madaxda Ururada shaqaalaha ee gobolka geeska Afrika.
1 2 3