Mdaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Cameey) ayaa sheegay in uu Maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Golayaasha Madxtooyada Puntland ninka lagu magaaabo Siyaad.
Cameey,ayaa ku eedeeyay Shaqo Gudasho la’aan iyo in uu soo xaadiri waayay Xarunta Madaxtooyada taas bedelkeedana uu Shaqo ka dhigto in uu iska joogo Magaalada Muqdisho.
Horay ayaa waxa u jirtay in markii la magacaabayay ay isku khilaafeen magacaabistiisa Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cabdixakiin Xaaji Cumar (Cameey) iyadoo horay loogu eedeeynayay in uu galay danbiyo wax isdaba marin ah xilii uu kamid ahaa  Gudiga Doorashada.
Ugu dambeen Mudane Cameey,ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya uusan Siyaad aheyn Agaasimaha Golayaasha Madxtooyada Puntland islamarkaana uu xilkii ka qaaday.