Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliiska Galmudug Cabdisaal Khaliif oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xiligaan Booliiska Maamulka Galmudug uu yahay mid kala qeybsan islamarkaana sidii la doono loo maamusho.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug ay yihiin kuwo usoo dulqaatay dhibaatooyin farabadan islamarkaana haatan ay weli diyaar u yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Galmudug ay xiligaan Wadadii saxda aheyd ay ka leexdeen islamarkaana kala qeybinayaan ciidamada iyagoo ku qaraabanaya magacooda,saraakiishaasna ay yihiin kuwo u baahan in wax laga qabto.
Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) in dhibaatada ka dhexjirta Ciidanka Booliiska Galmudug u saaro Guddi baara islamarkaana banaanka soo dhiga wixii ka dhexjira.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id