Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeyo Ciidanka dowladda Somaaliya iyo Al-Shabaab uu ka socdo tuulooyin hoostaga degmada lambar Konton ee Gobolkaas.
Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu iminka ka socdaa inta u dhaxeysa deegaanada Baladul-Amiin iyo Muuri ee Gobolkaas kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar halkaasi ku qaadeen.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in dhowr Dukaan oo halkaasi ku yaalla ay Al-Shabaab dab  qabad siiyeen in kastoo Warkaas aan weli la xaqiijin.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com