Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Imiidaamin ah oo Caawa Maqribkii ka dhacay Bar-koontorool oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamul goboleedka Somaaliyeed ee Puntland.
Qaraxa ayaa haa mid Gaari loo adeegsaday waxana uu qarxay Gaariga markii la istaajiyay Goob lagu baaro ciidamada oo ku taalo Magaalada Boosaaso.
Inta la xaiijiyay 4 ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyootay halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay,waxana la filayaa in saacadaha soo socda Saraakiisha Ciidamada Puntland ay faah faahin ka bixiyaan.
Hoos Ka Daawo Sawirada