Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya Haweeneey saakay lagu dilay Magaalda Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug,iyadoo dilkeeda la shegay in uu ka dambeeyay Nin ku hubeesnaa Qoriga Ak 47 ah.
Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Warsan Faarax Yacquub waxa ayna kamid aheyd Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo gaar ahan waxa ay kamid aheyd kuwa Maqaaxiyaha Cuntada lagu iibiyo ku dhex leh Gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Ilaa iyo hada macada sababta loo dilay Haweeyda balse Wararka aan heleyno ayaa waxay sheegayan in dilka kahor ay wada murmeen qofkii dilay,kaas oo ugu dambeen goobta ka abxsaday.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa Goobta gaaray iyagoo wada baaritaano dheeraad ah oo ay ku raad joogaan shaqsigii ka dambeeyay dilka Haweeneyda.