Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhalinyaradii aan qaan gaarka ahayn ee lagu qabtay dagaalka Puntland Alshabaab kula gashay deegaanada Togga Suuj iyo Garacad.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyeen xubno katirsan golaha Wasiirada Puntland iyo wafdiga ka socda qaramada midoobey oo goordhoweyd warbaahinta lahadlay ayaa ka warbixiyey arrimaha laga wada hadlay.
Goordhow la socda Codadka Msuuliyiinta