Maamulka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal iyaga iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ku dhex maray duleedka degmadaas,dagaalkaas oo sida la sheegay  geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah intaba.
Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane,oo aan wax ka weydiinay ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen dad xoolo dhaqato islamarkaana ay doonayeen in ay xoolaha ka dhacaan taas oo keentay in Dadkii Xoolo dhaqatada ahaa iska difaacaan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Ciidanka dowladda Somaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ay u gurmadeen dadka xoolo dhaqatada ah islamarakaana ay dileen lix dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayna Gubeen gaari ay la haayeen dhankoodana ay ka geeriyoodeen ilaa laba Askari sida uu shaaciyay gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo tuulooyin farabadan oo hoostaga ayaa waxa dhowr mar ku dagaalamay Ciidamada dowaldda Somaaliya iyo kuwa dagaalyahanada Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha