Dagaal u dhaxeeyo laba Maleeshiyo Beeleed ayaa markale ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Baladdweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaas oo maalmahaan halkaasi ka dhacayay.
Dagaalka ayaa markii hore u bilaawday dilal qorsheysan oo dhanka aanooyinka qabiilka ah,waxaana markii dambe uu isku bedelay mid toos ah sida ay Dalsan u sheegeen qaar kamid ah dadka ku nool Galbeedka Baladweyne.
Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka dhacayaa deegaanka Baar,oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyne,waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada Maleeshiyo ee wada dagaalamay.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku howlan xalinta dagaaladaas in kastoo aan weli xal buuxa laga gaarin ama aan lagu guuleysan in dagaalkaas la joojiyo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Baar,ee Galbeedka Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal Goos Goos ah oo u dhaxeeyo labada Maleeshiyo Beeleed.