Meel aan ka fogeen Xeebaha Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa xalay ku quusay Sactar u rarnaa Ganacsato Reer Galmudug ah waxaa ka dhashay khasaaro Hantiyadeed oo soo gaaray qalabkii saarnaa Sactarkaas.
Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Hobyo,oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in Markabkaan uu ka yimid Magaalada Muqdisho islamarkaana uu Qalab kala duwan u waday Dekadda Hobyo,balse inta uusan gaarin uu quusay Shaqaalihii saarnaana la bad baadiyay.
Markabka  ayaa Siday Qalab dhisme oo ah Dhisme loogu talo galay Wadada u dhaxeysa Hobyo iyo Gaalkacyo,islamarkaana qalabka intiisa badan ay Biyaha quuseen.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay Goobta gaaraan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug si ay ula socdaan qaabka uu Markabka u quusay iyo khasaaraha gaaray Qalabkii saarnaa