Olole iyo Shirar Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam     (Axmed Madoobe) ayaa ka socda dalka Australia gaar ahaan Magalada Melpon waxaana ololahaas wada Jaaliyadda ka soo jeeda goboladaas ee ku nool dalkaasi Australia.
Dr, Cabdirisaaq Xuseen Maxamed (Shiino) oo kamid ah dadka ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ololahaasna wax ka wada ayaa sheegay in Gobolada Jubbooyinka uu Axmed Madoobe uu ka wado cadaalad daro iyo heeb  si gaar ah loogu bartilmaamedsanyo dadka deegaanka qaarkood kuwaas oo loo marayo dhanka Siyaasada..
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in Axmed Madoobe uu marwalba uu diido in loogu yeero     magaca Madaxweynaha Jubbaland taas micneheeduna uu yahay in uu doonayo in uu isku dhejiyo Gacan ku heynta Gobolada Jubbaland isagoo la baxay magaca hoggaamiye sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa  uu  shaaciyay in dhamaan waaxyaha kala duwan ee Shaqaalaha Maamulka jubbaland kuwa ugu sareeya iyo kuwa ugu hooseeyo ay maamulaan dad Beel ahaan ay isxigaan (Axmed Madoobe).
Waxa uu ugu dambeen sheegay in hada uu socdo wada tashiyo ay la leeyihiin dadka ku nool Gobolada Jubbooyinka kaas oo ku aadan sidii ay isaga leexin la haayeen Axmed Madoobe.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in iyagu ay leeyihiin mowqif islamarkaana ay ka Go’an tahay iska wareejinta Axmed Madoobe iyo kuwo iyaga ku heeb ah balse dano gaar ah u shaqeesta islamarkaana aan metelin deegaanadooda sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga.