Waxaa Caawa heegan buuxa la geliyay dhamaan Ciidamada Booliiska Maamulka Somaaliland iyadoo Maalinta Berito ah ay ku beegan tahay Maalintii Maamulka Somaalil;and ay shaaciyeen in ay ka go’een Somaaliya inteeda kale sida ay weli aaminsan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan oo War-Baahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ciidanku ay si wanagsan u sugi doonaan amniga Guud ee deegaanadsa maamulka Somaaliland.
Waxa uu sheegay in Somaaliland deegaanadeeda uu iminka ka socdo qaaraan aruurinta dadk ay abartu saameysay waxa uuna shegay in uu jiro halkudhig loogu magacdaray(DABAALDEGA MEEYDA KU DARYEEL ABAARAHA)
Ugu dambeen waxa uu baaq u diray Shacabka Reer Somaaliland oo u sheegya in laga doonayo in ay iscaawiyaan dhanka kalena Ciidamada kala qeyb qaataan sugida amniga.
Hoos Ka Dhageyso shirkiisa Jaraa’id