Nabadoon Caanka ahaa Gudaha Gobolka Hiiraan ayaa kamid noqday dadkii Maanta ku geeriyooday dagaal Xaafada howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne ku dhex martay Ciidamo taabacsan maamulka gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyaad hubeysan.
Nabadoonka ku geeriyooday dagaalkas ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Maxamuud Cali Garabeey, waxana la sheegay in marka hore uu dhaawac soo gaaray islamarkaana la geeyay Isbitaalka Baladweyne balse ugu dambeen uu u geeriyooday dhaawici ka soo gaaray dagaalkaas.
Ehelada Marxuumka ayaa waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin geerida Nabadoonka iyagoo Eebe uga baryay in uu Alle Janada ka Waraabiyo.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ee Magaalada Baladweyne ayaa Caawa degan waxana halkaasi ku sugan Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan.