Maalmihii u dambeeyay Magaalada muqdisho waxaa ku soo batay isku dhacyada ama dagaalada dhexmaraya ciidamada ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliya ee ku sugan Magaalada muqdisho kuwaas oo dagaalka dhexmara ay waxyeelo ka soo gaarto dadka Shacabka ah.
Labadii dhacdo ee u dambeysay ayaa ka kala dhacay afaafka hore ee Xarunta dowladda hoose ee Xamar iyo qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banadir labadaas dhacdo oo ay ku waxyeeloobeen dadka Shacabka ahaa.
Hadaba maxaa xiliagaan soo celceliya dagaalka dhex mara Ciidamada ka wada tirsan dowladda Somaaliya sideese looga gudbi karaa waxaa Su’aashaas ka jawaabaya Sareeye Guuto Cumar Maxamuud Cusmaan.
Waxa uu sheegay in sababta ka dambeysa ay tahay in Ciidamadu ay yihiin kuwa Maleeshiyo Beeleed ah islamarkaana aanan helin wax tababar ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka