Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Somaaliya Khadiijo Maxamed diiriya ayaa ka hadashay qodobada  kamid ah Dastuurka dalka kuwaas oo aan weli lagu xaqiijin xaquuqda ay leeyihiin Dhalinyarada Somaaliyeed iyo waliba ha ahaadan kuwa Sportiga Ciyaara.
Waxa ay sheegtay in waqtigaan uusan jirin hal qodob oo kamid ah Dastuurka dalka kaas soo bandhigaya qorshada dowladda ee dhanka Dhalinyarada,waxayna cadeysay in xiligaan loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii isbedelka lagu sameynayo Dastuurka uu ku lug yeesho xaquuqda dhalinyarada iyo waliba dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Sidoo kale waxay sheegtay in dowladda Somaaliya ay dhalinyarada Somaaliyeed u dejin doonto qorshooyin cad balse ujeedkeedu uusan aheyn in ay shaqo u abuuraayaan laakin ay u horseedi doonaan wado muhiim u ah noloshooda taas oo ay ku dabaqayaan dhanka Siyaasada dalka.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Somaaliya Khadiijo Maxamed diiriya oo xalay ka qeyb galeysay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhalinyaarda Somaaliyeed ee 15 May ayaa hambalyo u dirtay dhamaan Dhalinyarada Somaaliyeed.