Halgankii ummadda Soomaaliyeed Ee uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal dahab.
Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan fahmansaneyn qiimaha ay leedahay Xorimada iyo in dad waliba uu yeesho calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay.
Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig Badani ku qabtey, isla markaana halgamayaal fara badani ay maalmooda iyo naftooda u hureen, si ummada Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xiligaasi ay aheyd xili ay qaaradan Afrika ay si weyn ug halgamaysay Xoriyada iyo inay iska qaado heeryadii guumaysatayaashii reer Yurub.
Xiligaasi waxaa qaarada Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray รขโฌลKacdoonkii Xoriyada ee Afrikaรขโฌย Shulcadaasi guumaysi diidka ee ifaysay Soomaaliyana waxay qayb ka aheyd ummadihii kale ee Qaarada Madow ee halganka ugu jirey hanashada xoriyada.
Maanta oo kale 15-kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah inay dhibada u taagan Xisbigii la magac baxay SYC (Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo markii Bambe u xuubsiibtey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), sanadkii 1947-kii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatey .
Xiligaasi waxaa ururka dhisey 13 dhalinayaro ah kuwaasi oo kala ahaa
- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. ( xiligaasi wuxu jitey 24 sano.
- Maxรขโฌโขed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sano.
- Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaรขโฌโขarke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano
- Xaaji Maxamed Xuseen Maxรขโฌโขed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano)
- Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano)
- Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano
- Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano ah)
- Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sano )
- Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano)
- Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano.
- Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sano)
- Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano)
- Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sano)
Waxaa ururkii SYL sanadkaasi xoghaye loo doortey Cabdulaahi Ciise Maxรขโฌโขuud oo isugu ahaa raรขโฌโขisalwasaarihii xukuumadii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xiligii gobanimada la qaatey.
Ururka SYL wuxuu shaaca ka qaadey qorshihihiisii siyaasadeed waxaana uu sheegay in u taagan yahay Xornimo gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd 5 gobol oo gacanta ay ku hayeen guumaystayaashii reer Yurub.
SYL waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxaana hoosta ay ka xariiqdey in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn.
Dhallinyaraasi SYL waxaa xiligaasi u suurtagashey in ay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hor tago gumeysiga , iyaga oo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weyneyd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeeddooyinkoodda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaaliyeed weyn.
Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaadey turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga bilaawday Dabaaldaga Maalintaas 15-May waxaana Muqdisho lagu arkayaa kumanaan shacab ah oo wadooyinka socday kuwaa oo weeneenaya Xuska Maalinta Dhaliyarada SYL.