Laamaha Amniga maamulka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixiyay gaari ay laheyd Wasiir ku xigeenka Haweenka maamulka Puntland kaas oo uu la baxsaday Darawalkii Wasiirka sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska Galmudug.
Taliyaha Ciidanka oo la hadalay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay sameeyeen kadib ay ku guuleysteen soo qabashada gaarigaan hadana ay ku wareejiyeen Wasiirka waxaana ay digniin u direen kooxaha dhaca u geysta Gawaarida Masuuliyiinta.
Halkaan Ka Dhageyso Codka