Ra’isul wasaaraha xuukuumada Soomaaliya mudane Xassan Cali Khere ayaa maanta magaalada Muqdisho uga ambabaxay safarkiisii koowaad, kaasi oo uu ku aaday dalka Qadar.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa casuumaad ka helay madaxda dowladda Qadar, waxaana safarkiisa uu ahaa mid toddobaadkii hore la shaaciyey.
Ra’isul wasaaraha ayaa shirka Doxa Forum uga qeyb galaya dalkaasi, kaasi oo socon doono mudo laba Cisho ah 14-ka ilaa15-ka bishaan May, waxaana sidookale madaxda wadanka uu kala hadli doonaa arrimaha xiriirka labada dal iyo in la xoojiyo taageerida dowladda Qadar ee arrimaha Soomaaliya.
Waa safarkii ugu horeeyey ee uu ra’isul wasaaruhu uga ambaboxo Muqdisho, tan iyo markii loo magacaabay ra’isul wasaaraha Soomaaliya.