Shirkan oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada London ee dalka Ingriiska, waxaana looga hadlay doorka ay Qurba-joogta ka qaadan karaan dib-u dhiska iyo hormarka dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay inay qurba joogta kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha, islamarkaana loo baahanyahay taageeradooda.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeedâ€ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhinacakale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay dhisi doonto Hey’adda Qurba-joogta Qaranka, taasi oo ugaar noqon doonto dadka Qurba-joogta.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, kaa soo ay si wadajir u shir guddoominayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.