Ra’isul Wasaaraha Dalka Xassan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu daah-furay Shirka siyaasada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,kaa oo diirada lagu saarayo arrimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo agaasintay shirkaasi,waxaana ka qeyb galaya Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadlayo qorshaha siyaasada Dhalinyarada oo ay isla falanqeenayaan Mas,uuliyiinta, sida ay ku wajahayaan siyaasada Dhalinyarada.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay dhawaan in wasaaradu ay dajineyso siyaasada dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Wasaaradaha dhalinyarada ee Maamul Goboleedyada ay kala qeyb galayaan qorshahaasi.