Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay 2 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda ku gawraceen duleedka Degmadda Mahadaay ee Gobalka Sh/dhexe.
Askartaasi ayaa la sheegay in lagala degay Gaari Bas ah oo ay la socdeen, kaasi oo isaga gooshayey Deegaanadda Biyo-cadde iyo Mahadaay.
Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Radio Dalsan in ay Alshabaab gawraceen 2-da Askari, kana qaateen 2 qori oo AK 47 oo ay wateen.
Askarta la dilay oo ka tirsanaa Guutada 5-aad ee Ciiddanka Milliteriga ee DFS waxaa lagu kala magacaabi jirey Axmed Yacquub iyo Mowliid Xuseen Qeylshe.
Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Ciiddan ka tirsan Dowladad ay gaareen duleedka Mahadaay, si ay u soo qaadaan Maydadka Askarta la gawracay.
©Radio Dalsan