Maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna Wal Jamaaca ayaa sheegay  in wax wada hadal ah aysan lagali doonin maamulka Galmudug, oo dhwaan yeeshay madaxweyne cusub.
Ahlu sunaa ayaa doorashada Cadaado iyo wada hadalkii kala dhaxeeyey Galmudug maanta ka soo saaray warsaxaafadeed, islamarkaana ku dhawaaqay inaysan aqoonsaneen waxa ka soo baxay doorashadaas oo madaxweyne loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Warka ka soo baxay Ahlu sunna waxaa kaloo lagu sheegay in maamukooda uusan wada hadal lagali doonin hoogaanka cusub ee loo doortay Galmudug, oo ay moowqif ka qaateen arriamaha maamulkaasi.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.