Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida allaha unxariistee wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Sheikh Cabdullaahi Siraaji, islamarkaana sheegay inay ka xunyihiin falkii lagu toogtay habeen ka hor Marxuumka.
Golaha wasiirada ayaa ballan qaaday inay ogaan doonaan qoyska uu ka baxay wasirkii howlaha guud, islamarkaana sheegay inay wax u qaban doonaan caruurta uu ka tagay wasiir cabaas, oo ka dhintay laba caruur ah iyo xaas.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inay booqan doonaan qoyska Marxuumka oo uu tilmaamay in ra’isul wasaaraha iyo xubnaha golaha wasiirada ay ballan qaadeen inay wax u qaban doonaan caruurta wasiirkii howlaha guud.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.