Wararka naga soo gaarayo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goor dhow lagu dilay Askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib weerar ay ku qaadeen kooxo ku hubeysanaa Bastoolado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askarigaasi uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta ee dowladda, isla markaana wax yar ka hor ay kooxo hubeysan ku toogteen degmada Wadjir,gaar ahaan xaafada Xaawo-taako.
Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dilka askariga, islamaraana sheegay in kooxihii ka danbeeyey ay baxsadeen dilka kadib.
Majirto cid ka hadashay weerarka lagu dilay askarigaas, hase’ahaatee waxaa goobta gaaray ciidan ka tirsan dowladda oo baaritaan ka wada xaafada Xaawo-taako ee degmada Wadajir.