Dukumenti cusub oo Siyaasadeed oo ay XAMAAS soo saartay ayey ku sheegeen in Dowlada Falastiin laga dhisayo Xuduudkii sannadkii 1967-kii, iyadoo aan la aqoonsanaynin Dowladda Yuhuudda.
Hoggaamiyaha XAMAAS ee masaafurinta ku maqan, Khaalid Mashcal ayaa arrinkan ku soo bandhigay Caasimadda dalka Qatar ee Doha, wuxuuna xusay in Colaadda Falastiin ahayn mid ku dhisan Diin.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan oggolaan doonin in la bixiyo taako ka mid ah dhulka Falastiin cadaadis kasta iyo muddada dheer ee ay socon karto Dhulalka la-haysto ee Falastiin ee ay Yuhuudda  xoogga ku haystaan, kuwaasi oo kala ah Bariga magaalladda Quddus, Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ee Reer Falastiin.
Dhinaca kale, Dukumentiga Cusub ee ay Ururka XAMAAS soo saareen ayaa ku soo beegantay, iyadoo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas lagu wado inuu berrito  booqasho ku tago dalka Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxweyne Donald Trump.
©Radio Dalsan