Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada Kumarow, War kulan iyo demada Raage Ceele ayaa ku waramaya inuu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, islamarkaana, uu soo ritay saacdihi la soo dhaafya in kabadan 40-tan ruux.
Wasiirka caafimaadka daryeelka, hooyada iyo dhalaanka maamulka Hirshabeelle Axmed Cabdikariin Maxamed oo kormeer ku jooga deegnaadaas ayaa Radio Dalsan u sheegay in xaalado caafimaad oo daran ay ka jiraan tuulooyinka hoosyimaada Raage ceele iyo degmaduba ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in Afar qof ay cuduka shubanka dartiis ugu geeriyootay tuulooyinka ku dhow Raage Ceele, islamarkaana hada ay la’il daran yihiin 43 kale oo uu soo ritay cudurka shubanka.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.