Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in Taliyaha Ciiddanka Tababaran ee Goodir, G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim lagu xiray Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
Ma cadda sababaha rasmiga ee loo xiray Taliyahaasi, inkastoo wararka qaarkooda sheegayaan in loo xiray Amar-diido.
Taliyahaasi ayaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe, iyadoo aan wax Maxkamad Milliteri la soo taagin, iyadoo Sharciga Ciiddanka qeexayo inaan Sarkaal lagu xiri karin Xabsiga, iyadoo aysan Maxkamadi xukumin.
Sharciga Ciiddanka waxa kale oo uu dhigayaa haddii uu Sarkaal sameeyo amar-diido inuu muteysan karo Xabsi-guri (house arrest) oo keliya.
LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA
©Rardio Dalsan