Taliyaha Ciiddanka sida degdegga uga jawaaba Xaalladaha Degdegga ee RRT ((Rapid Response Team), Captain C/fataax Aadan Biid ayaa la sheegay in lagu soo rogay xabsi-guri, sida ay Radio Dalsan u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo muhiim ah.
Sarkaalkaasi oo hoggaamiya Kooxda Ciiddanka RTT ee Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed ayaan la ogeyn sababaha loo xiray, inkastoo la hadal-hayo inuu sameeyey Amar-diido.
Sarkaalkan waxa uu ka mid yahay Saraakiisha dhallinyarada ee ay Aqoontooda Xirfadeed aad u heer sarreyso, waxaana laga yaabaa inuu xarigiisa wax u dhimo Mooraalka Saraakiisha Dhallinyarada ee ka tirsan Ciuiddanka Boliska.
©Radio Dalsan