Hadal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu oggolaaday Is-casilaadaasi oo timid, kadib, markii in ka badan 140-Askari lagu dilay Weerar ay Kooxda Daalibaan Jimcihii hore ku qaadeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda Masara-al-shariif.
Twitter-ka Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyey inay is-casileen Wasiirkii Difaaca, C/llaahi Xabiibi iyo Taliyihii Ciiddanka Qaranka, Qadaam Shaah Shahiim
Ku-simaha Afhayeenka Madaxtooyada Afganistan, Shaah Xuseen Murtazawi ayaa u sheegay REUTERS inay Madaxda isku casileen Weerarkii ka dhacay Masar-al-shariif ee Waqooyiga dalkaasi.
©Radio Dalsan