Mas’uuliyiin ka kala socday Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta kulan farsamo ah ku yeeshay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Kulankaasi ayaa la isla gartay in la sameeyo Guddi Saddex Geesood ah oo la socda Hawlgalka dib loogu celinayo Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab.
Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa inay Dowladaha Kenya, Somalia iyo UNHCR Â min 4 xubnood ku yeeshaan Guddigaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amino Mohamed oo Suxufiyiinta kula hadashay Nairobi ayaa sheegtay inay Guddigaasi ka taageeri doonaan Dowladaha Somalia, Kenya iyo uNHCR sidii looga xaajoon lahaa qaabka lagu dardar gelin doono Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.
Amino Mohamed waxay diiday inay ka hadasho inay Dib-u-celinta Qaxootiga dhici doonto muddo 3 bilood gudaheeda, sida uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto.
Waxay intaasi ku dartay in la isku afgartay in sida ugu macquulsan loo fuliyo Dib-u-celintaasi.