Waxaa goor dhow xabsiga laga sii daayey agiisimaha isbitaalka Intersoos ee Jowhar Xassan mahadi Cabdi, oo xalay maamulka Hirshaabeelle ay u taxaabeen xabsiga.
Wariyaha Radio Dalsan ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegayรย in la sii daayey agaasimaha, waxaana la sheegay dhinacakale inuu baaqaday banaanbax looga horjeeday wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle iyo xariga agaasimaha.
Xalay ayaa ciidamo ka amar qaata maamulka Hirshabeelle waxaa xabsiga ay dhigeen agaasimaha, kadib amar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha oo la sheegay inuu รย horey amar ku bixiyey in isbitaalka uu ka guuro dhismaha oo hada ka daganyahay magaalada Jowhar.