Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyey shir gaar ah oo magaalada Muqdisho uga socday madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlay arrimo muhiim ah.
Madaxda ayaa marka hore isla meel dhigay arrimaha sugida amniga oo ay si wadajir u saxiixieen qorshaha qaran ee sugida amniga dalka, waxaana isla meel dhigeen in si deg deg ah loo furo wadooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab, si looga saaro go’doonka deegaanada qaar ee dalka.
Kulankan oo ay goob joog ahaayeen madaxda dowlad goboleedyada waxaa kaloo si aad ah looga hadlay shirweynaha ka furmaya London oo ay madaxdu isla garteen in qorshe mideysan soomaaliya ay uga qeyb gasho kulankaas, si natiijada ka imaato ay u noqoto mid mira dhal ah.
Gabgabada shirka waxaa ay madaxdu ka soo saareen war murtiyeed oo uu qodobada ka soo baxay warbaahinta u aqriyey agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda.