Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay in Kabtankasi surka looga jaray Degmdda Patikul, wuxuuna ka mid ahaa 3Kalluumeysato oo ay Kooxdu qabsatay bishii December ee sanndkii hore.
Ninka surka laga jaray oo la oran jirey Noel Beskonde ayaa la sheegay in la dilay, kadib, markii la bixin waayey Lacag madax-furasho oo dhamayd 60,500 oo Dollar.
Warar kale ayaa sheegayo inay Kooxda Abu Syaaf ninkaasi u dileen isagoo socodkii gaby, kadib, markii uu xanuunsaday.
Dhinaca kale, Milliteriga Dowladda Filibiin ayaa sheegay inay heleen Muuqaalo Video ah oo muujinaya iyadoo Kabtanka surka laga jarayo, balse aysan weli helin maydkiisa.
©Radio Dalsan