Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain (FCO) ayaa soo saaray Digniin dhinaca Safarka ee lagu tego qeybo ka mid ah Kenya.
Digniintaasi oo maanta soo baxday ayaa lagu sheegay inay Kenya ka dhici doonto Doorasho Siyaasadeed oo hordhac ah bishan April 13-da ilaa 26-da.
“Xilliyo hore, Dibadbaxyo Siyaasadeed iyo Bannaanbaxyo ka dhacay Kenya ayaa isku bedelay kuwo rabshadaysan, waa inaad ka taxadirtaan goobaha ay isugu yimaadaan Dadweynaha†ayaa lagu yiri Digniinta ka soo baxday Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee Britain.
Waxaa laga digay inay dadka Britishka booqdaan 6 deegaan oo ku yaalla gudaha Kenya, kuwaasi oo y ka mid yihiin Xaafadda Islii ee Nairobi, Degmadda Garissa iyo Deegaanadda kale ee 60-KM u jira Xuduudka ay Kenya iyo Somalia wadaagaan,.
Dowladda Britain waxay kaloo walaac ka muujisay Ammanka Kenya, Falalka Afduubka iyo cabsida Weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Digniinta Dowladda Britain ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo inay bisha Augsut 8-da Kenya ka dhcaan Doorashadda Madxweynh, Barlamnka iyo kuwa Deegaanka.
©Radio Dalsan