Ciidamada cusub oo American ah ayaa yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in daraasiin ciidan oo ka socda dowladda Mareykanka ay tababar siin doonaan ciidanka dowladda oo dagaal adag kula jira Alshabaab.
Saraakil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dowaldda federaalka ay codsatay cidankaasi, islamarkaana ay ka taageeri doonaan ciidanka xoogga dhanka tababarada.
“Ciidanka dowladda Mareykanka waxaa ay fulin doonaan wadashaqeyn dhinacyo kala duwan ah inta ay Soomaaliya joogaan, si loo caawiyo isbaheysigeena iyo saaxiibadeena† sidaasi waxaa yiri Afhayeenka U.S. Africa Command Pat Barnes.
Dhawaan madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana uu sheegay in dowladiisu ay ku dadaali doonto, sidii dalka looga saari lahaa Alshabaab, oo dagaal kula jira cidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.