Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sushma Swaraj ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey 10-kii Badmaax ee la socotay Doonidii Gnaacsiga ee lagu haystay Xeebta Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.
Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay shaaciso in la soo badbaadiyey 10-kii Badmaaxiinta Hindida ee shaqaalaha ka ha Doonida MV Al-kausar.
Sushma Swaraj waxay kaloo Twitter-ka uga mahad celisay Dowladda Federalka, Maamulka Galmudug iyo dadka Soomaalida ee gacanta ka geystay sidii loo sii dayn lahaa Bdmaaxiintaasi.
waxay kaloo u mahad celisy Madaxa Ergadda Sre ee Hindiya u joogta dalka Kenya, Suchitra Durai  dadaalkeeda ku aadan in hubaal laga dhigo sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiintaasi oo bishii hore ee March 31-dii laga soo afduubtay meel ku dhow Xeebaha dalka Yemen.
I am happy to inform that 10 Indian nationals working as crew on MV AL Kausar which was hijacked by pirates have been rescued. /1
Dhinaca kale, Kabtanka Doonida la sii daayey ayaa sheegay inaysan Burcad-baddeeda kula dhaqmin wax Tacadi ah muddadii ay u afduubnaayeen.
Kabtanka oo lagu magacaabo Saalim Osman oo isagoo gaari la saaran Duqa magaalladda Hobyo,. C/llaahi Axmed Cali la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Ciiddanka Ammanka Galmudug soo wada badbaadiyeen Badmaaxiinta.
Kabtanka oo ka soo jeeda Gobalka Gujraat ee dalka Hindiya waxa uu tilmaamay inay Burcd-baddeeda kala qeybsadeen Badmaaxiinta, 3 maalmood kadib, markii ay afduubteen.
Shalay ayey Ciiddanka Ammaanka Galmudug waxay ku guuleysteen inay si nabad ah ku soo badbaadiyaan 8 ka mid ah Badmaxiinta oo lagu haystay meel ku dhow Tuulladda Dugulle ee Gobalka Mudug.
©Radio Dalsan