Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee XFS, Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxa uu Bartiisa Blogspot soo dhigay Qoraal uu kaga hadlay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka Carabta uga socda dalkaasi.
Qoraalka Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu u qornaa sidatan:
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.
Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan  ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.
Xigasho: yusuf-gar aad.blogspot.com
©Radio Dalsan