Shirjaara’id oo ay maanta madaxda Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo kan Majmaca ay ku qabteen Muqdisho, waxaa ay kaga hadleen koox diimeed lamagacbaxay الصادعون بالØÙ‚ †kuwa aan xaqa la gabanin, islamarkaana si weyn u qabsaday baraha bulshada.
Gudoomiyaha hayadda culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo ugu horeen shirka jaraa’id ka hadlay waxaa uu sheegay in koox diimeedkaas bishaan gudaheeda looga dhawaaqay dalka Masar, islamarkaana ay tageereen dad soomaaliyeed oo sheegay inay aaminsayihiin fikirkaas, waxaana uu tilmaamay Sheikh Bashiir in kooxdu ay aaminsatahay in dadka muslimiinta ay yihiin gaalo.
Sheikh Cabduqaadir Maxamed Soomow Afhayeenka golaha guud ee culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay kulankan waxaa uu ugu baaqay dadka tageeray koox diimeedkaas, inaysan dhibaata kale ku noqon dadka soomaaliyeed, islamarkaana eysan Khaldin dadka.
Dhankiisa Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah ku xigeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed waxaa uu ka digay fikirka kooxdan oo uu tilmaamay inay la mid yihiin Alshabaab, islamarkaana ay xambaarsanyihiin u jeeda ka fog diinta.
Culimadu iyagoo gudanaya waa jibaadka ka saaran ilaalinta diinta iyo danaha ummada soomaaliyeed ayaa soo soo saaray baaq ku saabsan kooxda الصادعون بالØÙ‚
Halkaan hoose ka dhageyso Codka