Sarkaal Maraykan ayaa u sheegay REUTES in Tallaabadaasi looga dan leeyahay in Waqooyiga Kuurya loogu muujiyo cududa Milliteri ee Maraykanka, iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo Horumarinta Barnaamijka Gantaaladda ee dalkaasi.
Maraakiibta Dagaalka ee Maraykan ayaa ka ambabaxay Xeebaha dalka Singapore, iyagoo u jiheystay Gacanka Kuurya.
Bilowgii bishan, Madaxweyne Donald Trump waxa uu ku goodiyey inay Tallaabo adag ka qaadi doonaa dalka Waqooyiga Kuurya, balse ma shacinin nooca Tallaabadda ay ka qaadi doonaan
©Radio Dalsan