Ilo-wareed ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASSÂ in Markab dagal uu ku soo wajahan yahay Sdlhigga Ciiddanka Badda ee ay Rashiya ku leeyihiin magaalldda Tartus ee dalka Syria, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka duqeeyeen Saldhig ku yaalla dalka Syria.
Markabkaasi oo ka soo shiraacdy Badda Black Sea ayaa la filayaa inuu isla maanta soo gaaro Dekedda magaalladda Tartus oo uu sii joogi doono muddo 30-maalmood.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka habeen hore duqeeyeen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Shayraat oo ku yaalla Gobalka Xomos ee dalka Syria.
Maraykanka ayaa sheegay in Diyaaradihii Sunta Kiiminkadda ku duqeeyey Degmadda Khan Shaykhuun ka soo kaceen Saldhigaasi.
©Radio Dalsan