Madaxweyne Trump oo Telefoonka kula hadlay dhigiisa Raashiya, Vladamir Putin ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku geeriyooday Qarixii shalay ka dhacay goob Tareenadda laga raaco oo ku taalla magalldda St Petersburg.
Trump waxa uu sheegay inay Dowladda Maraykanka taageersan yihiin in Sharciga la hor keeno dadkii ka dmbeeyey qarxaasi oo ay ku geeriyodeen 11-qof, halka 45-kalena ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa ka soo xigatay Hy’addaha Xoojinta Ammanka in la tuhunsan yahay inuu qaraxaasi ahaa fal Is-qarxin ah.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ka dhacay magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi.
©Radio Dalsan