Iyadoo lagu guda-jiro Dabaal-degga Munaasabadda 5-guuradii ka soo wareegtay Asaaska Dalsan Radio ayaa waxaa iska soo daba dhacayo Hambalyadda ay Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda u soo dirayaan Madaxda iyo Shaqaalaha Dalsan Radio.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisowâ€Â waxa uu Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagay Dabaaldegga Munaasabadda 5-guuraddii ka soo wareegtay markii la asaasay Dalsan Radio (Bishii April 2-dii ee sannadkii 2012-kii).
Wasiir C/raxmaan Yariisow ayaa Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Hambalyadda 5-guuradii Radio Dalsan, wuxuuna sheegay inay qiimo weyn u samaynayso Tabarucaadda lagu horumatinayo Warbnaahinta Somalia.
Congratulations to @DalsanFM for its 5th Anniversary and making valuable contributions to Media development in #Somalia #RadioDalsanAt5
Sidoo kale, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee XFS, ayaa iyadana Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagtay 5-guuradii ka soo wareegtay markii Radio Dalsan la dhidbay.
Qoraal ay Barteeda Twitterka soo dhigtay ayey Wasiir Khadiija Mxamed Diiriye ku xustay Doorka Rdio Dalsan ee Horumarinta Saxaafdda.
Dhinaca kale, Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ee XFS ee aan xilka wareejinin, C/raxmaan Caynte ayaa isagana u hambalyeeyey Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan.
Wasiir Caynte ayaa Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Hambalyadda 5-guuradda Radio Dalsan, wuxuuna Radio Dalsan u rajeeyey sanooyin badan oo soo socda Insha Allaahu.
 Congratulations to @DalsanFM for 5 years of excellent journalism. Many more years to come InshaAllah. #DalsanRadioAt5
Sidoo kale, Madaxweyne-xigeenka Dowlad-gobaleedka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa isagana Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan ugu haambalyeeyey Munaasabadda 5-guuradda Radio Dalsan.
Waxa uu sheegay isagoo ku hadlayo magaca Madaxda Dowlad-gobaleedka Galmudug iyo Dadweynaha Reer Galmudug inuu u hambalyeynayo Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan, wuxuuna u rajeeyey Horumar.
©Radio Dalsan