Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa maanta booqday barkacayaasha kusugan deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, oo maalmihii aanu soo dhaafanay ay soo gaarayeen dad kasoo hayaamay abaarta ka jirta Dalka.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dadkaasi oo u baahan gargaar maanta gaarsiiyey deeq uu ugu talagalay, islamarkaana ballan qaaday inay xukuumadiisa  garab-istaagi doonto dadkaasi oo ay saameen xoogan ku yeelatay Abaarta.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.