Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa bilaabay wejiga labaad ee qeybinta gargaarka loogu talagalay dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.
Guddiga ayaa sheegay inay qeybiyeen lacag dhan 1,150,000 oo dooller oo logu talagalay wax-ka-qabashada abaaraha ka jira dalka, iyadoo loo qeybiyey lacgataasi sidantan:-
Soomaalilanad $200,000
Puntland           $150,000
Jubbaland      $150,000
Koonfur Galbeed $150,000
Galmudug          $ 150,000
Hirshabeelle     $150,000
Banaadir             $100,000
Sool,Sanaag iyo Ceyn $100,000
Guddigu waxaa uu shegay in lacagtaasi ay ku wareejinayaan guddiyada gurmadaka abaaraha ee maamul goboleedyada, si loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan deegaano ka mid ah dalka.
Sidookale Guddiga waxaa uu sheegay inay bixinayaan Raashin dhan 20-tan oo loogu talagalay gobolka Banaadir, si loo gaarsiiyo dadka ku soo barakacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda, halka Koonfur Galbeed guddigu uu tilmaamay inay gaarsiinyaan Daawo dhan 38-tan, si wax looga qabto xaaladaha caafimaad ee ka jira deegaanada maamulkaas.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.