Waxaa soo kordhaya Walaaca laga muujinayo Weerarkii ay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ku dileen ugu yaraan 42 qaxooti Somali ah oo la socday dooni maraysay meel ka baxsan Xeebaha Yemen.
Agaasime-gobaleedka  Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC ugu qaabilsan dalalka Bariga Dhexe, Robert Mardini ayaa sheegy inay si xooggan uga walaacsan yihiin dhacdadaasi naxdinta leh.
Isagoo suxufiyiinta kula hadlayey magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayuu sheegay inay Koox ka socota Hay’adda ICRC gargaar caafimaad u fidiyeen Qaxootigii Soomaalida ee ku dhaawacmay Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagula beegsaday meel ka baxsan Xeebaha Yemen.
Agaasime-gobaleedka ICRC-da ee dalalka Bariga Dhexe, Robert Mardini waxa kale oo uu tilmaamay inay ururiyeen Cadadaymo ku aadan Weerarkaasi o oay geysatay Diyaarad Helikopter ah.
Waxa uu intaasi ku daray inay Caddaymahaasi iyo Walaaca ICRC-da ee arrintaasi la wadaageen Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga iyo dhinaca kale ee Kooxda Xuutiyiinta.
Mas’uulkaasi waxa uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahino kale oo dheeraad ah oo ku aadan Xogaha laga ururiyey Weerarkaasi.
Afhayeenka Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga iyo Dowladda Imaaraadka oo qeyb ka ah Hawlgalkaasi waxay beeniyeen inay ka dambeeyeen Weerarka lagu dilay 42-ka Qaxootiga Soomaalida ee la socday Doonida lagu weeraray meel ka baxsan Dekedda magaalladda Xudeydah.
Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac xooggan ka muujisay dilkaasi, waxayna ku baaqday Baaritaan madax bannaan, si loo ogaado dhinacii ka dambeeyey weerarkaasi.
©Radio Dalsan